XAQIIQOOYINKA DAHSOON EE DUNIDA ISU DAGAASHO

 Sidda fudud ee aad ku fahmi kartid aduunka waxa ka socdo oo dhan

iyo dagaalada waa aqrinta Qisada Aadam cs iyo Shaydaanka. Qisadani sidda ay nolasha u sharxeyso dhamaan kutubta Alle uusoo dajiyey dhan waalagu sheegay. Laakiin dadka badankoodii qisadani qiso iska caadi ah oo kale ayey u maleeyaan siddaana fahamka iyo xikmada Nolasha ayaa ka qarsoonta. Maanta dunida waxaa ka socdo isbedel Geopolitic siyaasadeed, Wadamadii waaweynaa dhaqaalahoodii hoos ayuu usocdaa, Africa 100-kii sano ee lasoo dhaafay madaxa sare uma aysan soo qaadin. 

Somalia Dagaal ayaa ka socdo, Ukrain dagaal ayaa kasocdo, Burkino Faso inqilaab ayaa ka dhacay, Afgaanistaan Jimco welba qarax ayaa ka dhaco, Suuriya seddexdi maallinba Yahuuda ayaa duqeysa, İran banaanbaxyo xoog badan ayaa kasocdo. Kuuriyada waqooyi si daandaansi ah gantaal ayey Japan dushiisii marsiisaa, Pakistan waxaa uu ku jiraa marxalad isku qasan İmran Khan in lasoo xiro ayaa laga baqayaa, Wadamada Carabta waxaa lagayabaa inqilaab in uu ka dhaco ama fowdo nooca ay ahaataba in dhawaan lagu arko, Maallin kasto Falastiyiin ayey yahuuda xirta kuwana isbuuc ama labadii isbuucba ugu yaraan 3 falastiin ayaa la dilaa, wadamada Pacific waxaa laga baqanayaa in Shiinaha iyo Mareykanka in ay ku dagaalaan.....İwm

Waxyaabahani isku qasan oo dhan si aad u fahamto waa in aad ku noqotaa QİSADA BİLOWGİİ NOLASHA EE AADAM CS caksigeedii suurtagal ma aha hadafka dhabta ah ee qowm weliba uu rabbo in aad fahamto. Keliya waxaad TV ka daawaneysaa BOMB la qarxiyey iyo dad dhintay, Kuwo lasoo qabqabtay, Shacab careysan oo banaanbaxaayo iwm. Waxyabahani waa madadaalo xaqiiqda dhabta ah meel laga fahmo ma aha, Waa reactionka ficilka kadib. Nasiib daro dadka badankoodii si ay nolasha u fahmaan maanta Reaction-ka dadka daawashadiisi ayey isku mashquulsaniyaan hadafka dhabta ah ma arkayaan.

Bilowgii Nolasha waxaa jiray ''Shaydaan, Malaa'ig, Aadam, İyo Alle oo waxyaabahani dhan abuuray oo isaga loo noqonaayo. Dagaalkii halkani ka bilowday ilaa iyo maanta ayuu socdaa. Dagaalka oo dhan waxaa uu ka bilowday ''Sujuud iyo Ma sajuudaayo''. Natiijadii ka dhalatay dagaalkaasi ilaa hadda ayey dhulka ka socotaa. Alle waxaa uu aadam ku dhahay Quraanka Albaqra 2;35 '’Ka daga Jannada (Aadam & Xaawa) adinka oo qaarkiin qaarkale cadow isku ah (Oo heshiin karin), Waxaa idin sugnaaday in aad dhulka ku noolaataan, Halkaasina aad ku raaxeysataan ilaa muddo kooban’’. Dagaalkii ka dhex dhashay Aadam iyo Shaydaanka dhulka ayey la imaadeen. (Aadam waxaa uu ku doodayaa in Shaydaanka uu kasoo saaray Jannada, Qaladna uu galay), Shaydaankuna waxaa uu ku doodayaa (Maadama xukun uu iigu  dhacay keligey in aanu Ehlu Naar noqoneynin, Hala wada noqdo Ehlu Naar ama haddii kale ma badbaadeysaan....)

Alle waxaa uu u ogaalay Aadam iyo Shaydaanka in ay dhulka ku dagaalamaan ilaa maallinta balanta laga gaari doono, Dagaalkani oo dhan waxaa uu ku saabsan yahay ''Alle ayaa siddaas dhahay hala sameeyo, İyo Shaydaanka oo Maya! dhahay''. Muselselkii koowaad ee dagaalka ee dhulka ka bilaabanayey waxaa uu u dhexeeyey; Atooraha koowaad Aadam (These-koowaad) Anti These-ka Labaad Atooraha kale Shaydaan iyo Wixii raaca. Maantana dhulka kama socdaan dagaal aanan labadani kooxood u dhexeynin. annaga oo dhan filmka ayaan ku dhex jirnaa. (Khiyaamaha ayuuna muselselkani soo baxayaa qof weliba qaybta uu filmka kaga jiray). 

Waxaa suurtagal ah in aad iswaydiso, Ruushka iyo Ukrain dagaalka ka socdaa ma Shaydaan dad raacay iyo Muslimiin miyuu u dhexeeyaa siddee qisadani loola xiriirn karaa? Jawaabtu ''Dagaalka aduunka ka socdo oo dhan waa laba mid Xaqq iyo Baadil, Ukrain iyo Ruushka iyaga oo isla ah kuwa gaala ah (Groupka shaydaanka), Haddana kuwo ayaa xaqq ku taagan (Oo Dulmi ka fog). Kuwa ayaana awoodoodii dad ku dulminaayo, Siddaasi darteeda dagaalka Ruushka iyo Ukrain kuwa xaqq ku taagan oo xuquuqdoodii difaacanayo iyo kuwo awoodoodii dad ku dulminaayo oo baadil ku socdo ayuu u dhexeeyaaa. Si kasto dagaalkoodii uu yahay dagaal laba shaydaan uu u dhexeeyo.

İntaa kadib dagaalada aduunka ka socodo haddii aad dusha sare  ka firiiso adiga oo qisadani marjac uga dhigaayo waxaa kuu soo baxayo ''Shaydaanka iyo kooxda uu Atooraha uu u yahay in ay rabbaan in dunida oo dhan amarkoodii in uu ka taliyo felsefadoodii Geopolitic-ga ay rabbaan, Nidaamkoodii in wax weliba ay ku socdaan waa dad ka shaqeynayo siddii dadka ay ugu talin lahaayeen.  Groupkii fiicnaa ee Aadam cs (Atooraha uu ahaa) Waa kuwo waqti xaadirkani dagaalka lagu jebiyey, Waxba ma haystaan. Tusaale ''Dumarka İran waxaa ay rabbaan in la siiyo xoriyada Xijaabka (Hadday rabaan timaha way feydan karaan, Dowladu waa in ay dadka siisaa xoriyad kaamil ah....) Xukuumaduna waxaa ay rabtaa in gebi ahaanba xijaab lawada qaato. Tanina banaanbax iyo buuq ayey dhalineysaaa. Halka dumarka Paris ku noolna ay u dagaalamyaan Xirashada Xijaabka.....

Si kooban dagaalka oo dhan Xizbiga Shaydaanka iyo Xizbiga Alle ayuu u dhexeeya, Balse waxaa meelaha qaar joogo (Sidda Ukrain iyo Ruushka) kuwo Xizbiga shaydaanka kamid ah balse sabab looga dhigaayo u gargaarida Xizbiga Alle, Sidda Putin İyo Kim Jong-Unoo kale in ay didaan Khaniisnimada, İyo dhaqamada xun xun ee Reer Galbeedka. Dagaal aanan labadani Xizbi u dhexeynin suurtagal ma aha in dhulka uu ka dhaco, %100 Maba dhici karo. Waayo Felsefada guud iyo Sababta dhulka loo imaaday ayaaba ah in labadani Xizbi ay dagaalamaan ilaaa maallinta balanta ee gamableelka (Suurka) uu ka dhici doono Malaa'igtuna sidda (Camero dad wada oo kale) İn ay diiwaangeliyaan waxa dhulka kasocda. Filmka dhamaadkisii waxaa uu Alle sheegay Xizbiga wanaagsan ee Alle in ay guuleysan doonan.

Haddii aad tani Arki wayso CNN iyo FOX News madaadala iyo reactionka dadka ayey kuugu wareerinayaan. Xaqiiqada dhbta ah Alle ayaa kutubta oo dhan qisadani ku sheegay. Xitaa Kitaabta Yahuuda İyo Kirishtaanka ay haystaan ee la bedebelay xita qisadani weli way ku qoran tahay, Hinduuga siddooo kale. Qisada Aadam cs iyo Shaydaanku waa fahamka Nolasha. Ma aha qiso iska caadi ah. Siddaasi darteeda filmkani duubitaankiisi uu socdo daa'imaa kamid noqo Xizbiga Alle, Caksigeedii khiyaamaha waxaa lagu arkayaa adiga o Xizbi qaldan ku dhex jiray. Siddana waxaad ku noqoneysaa kuwo Naarta aada.

Post a Comment

0 Comments