Suurtagal Matahay Inlagu Arko Meelwaliba Aad Joogto Aragtida Qarsoon

 Bani aadamku haddii uu ogaan lahaa maanta in ay Camero ku socoto wax badan ee uu sameeyo ma uusan sameyn lahayn. 

Haddana waxaa cajiib ah in qof weliba uu ogyahay in malaa'ig ay diiwaangelineyso waxa uu sameynaayo xaraf xaraf. Laakiin Nasiib daro dadka badankoodii marka ay meel cidla ah tagaan sidda in aanan la ogeyn oo kale Jawi raaxo dagan oo qarsoodi ah ayey galaan 😂 Haddii ay ogaan lahaayeen İlbiriqsi kasto in malaa'igtuSCREENSHOT in ay ku wado, Wax badan ayey dadku ka joogsan lahaayeen taxadarkoodiina wuu badan lahaa. Quraanka kariimka Waxaa uu Alle ku leeyahay Suurada Al-infidaar 82;11 ''Malaa'ig ayaa idin ilaalineysa....''. Bani aadamku waxaa uu maanta ugu neceb yahay aadna uu isaga ilaaliayaa in Video qarsoodi ah laga duubo ama in lasoo qarxiyo waa fadeexo iyo ceeb aad u wayn laakiin malaa'igaha in diiwaankoodii (Camerooyinka) Malaa'igta in ay  daqiiqad weliba furan yihiin dadkuna ay duubayaan ilaa khiyaamaha nasiib daro dadka badankoodii %99 way ilowsan yihiin. Tusaale qof ayaa isaga oo iska qarinaayo dadka kale ayaa waxaa uu isku dayayaa in uu wax ka xado qof saaxibkisa ah, Ama dukaan saaxibkiisa ah ayuu isku dayayaa in uu wax ka xado, Ama qof aad ugu kalsoonaa oo aaminay ayuu sirtiisi qofka kale u sheegayaa SCREENSHOOT-Kİİ malaa'igta in uu ku dhacay qofka hadduu ka warqabi lahaa suurtagal ma noqon lahayd in uu wax xado?

Xagalka Adiga oo wax meel ka xadaayo malaa'igta SCREENSHOOTED, Adiga oo isku dayaya in aad meel cidla ah gabdh la gasho SCREENSHOOTED, Adiga oo waxyaabo qarsoodi ah sii faafinaayo SCREENSHOOTED, Qof miskiin ah oo ku aaminsanaa adiga oo khiyaanayo SCREENSHOOTED, Adiga oo xaaskaagii been u sheegaayo SCREENSHOOTED...........


Muuqaladani iyo sawiradani tirada badan ee malaa'iguha qof kasto ay ka qaadayaan iyaga oo cajal dhameystiran ah Maallinta Khiyaamaha ayaa qof weliba gacanta laga saarayaa markaas ayaa la leeyahay ''Hadda aqriso (Kitaabkaagii) Maanta adiga ayaa isku filan in aad is xisaabiso'' (Suurada İsra Aayada 14.aad) . Marka dadka dembiilayaasha ah gacanta laga saaro Filmkoodii oo dhameystiran Quraanka kariimka waxaa uu inoo sheegayaa in ay isku nixi doonaan waxaa ayna oran doonaan dembiilyaasha iyaga oo naxsan ''(Bisinka) Kitaabkani maxaa waaye!! Kama soo tegin wax yariis ah (Oo anaga muhiim aanan nala ahayn) İyo wax wayn midna, Waxaa uu Alle leeyahay, Waxaa ay kitaabkoodii ka heleen wixii ay soo sameeyeenn dhamaan (Laga soo bilaabo maallintii ay dhashteen) Oo dhameystiran''.


Ku feker Fimka nolashaadii ee waqti xaadirkani malaa'igta ay inaga duubeyso waxaad ku arkeysaa Khiyaamaha muuqaal adiga oo aad u yar xilli aadan hadda xusuusan, Adiga oo qof aan waxba ka sameynin kab ama dhagax ku tuuraayo, Adiga oo 20 sano ka hor hadda 2000-dii iwm xilligii aad yareyd, Yaanyuur aad hadda xasuusanin xilli aad dhagax ku dhifatay, Marka ay dadka waxyaabahaas oo dhan ay kitaabkoodii ka arkaan bay oranayaan (Kitaabkaan maxaa waaye bisinka!! Hal xabo xitaa kama uusan soo tegin).Maallin bani aadamka ceeb uu la kulmo haddi ay jirto maallinta ceebta ugu wayn ay dhici doonto waa maallintani Filmka qof weliba lasoo bandhigi doono, qofkii hadda ku dadaala qarinta ceebaha walaalkiisii muslimka ah Alle maallintaasi isa soo bandhigista ayaa qofka waxaa uu u qarin doonaa  ceebaha uu leeyahay qayb kamid ah. Khiyaamaha marka la joogo dadka wanaagsan ee badbaaday waxaa ay dadka kale tusinayaan Filmka nolashoodii waxyaabihii fiican ee laga duubay, Kuwa kale ee filmka laga duubay uu xun yahay xitaa ma jeclaanayaan in ay filmkoodii fiiriyaan. 

Haddaba xalka ugu fiican ee badbaadada ah waxaa uu ku jiraa in qof weliba hadda uu diyaarsado Film macquul ah oo la daawan karo, Ummadihii hore ilaa kuwa hadda nool film ay daawan karaan oo sax ah waa in aad la imaadaa, Caksigeedii Adiga oo tuug ah oo SCREENSHOOT uu kugu dhacay, Adiga oo dad wadada ku dhacaayo Screenshoot kuugu dhacay, Adiga oo qof caynaayo....İwm ayaa soo bixi doono. Aduunka waxa saaran iyo malaa'igaha oo dhan way ku lacnadayaan filmkaas xun marka laga soo bandhigo, May be hadda wax iska caadi ah ayey dadku la yihiin.

Xumaan badan haddii Kitaabkaagii ay ka buuxdo kolkaasi waxaad si toos ah uga mid noqoneysaa dadka dhihi doono ''Alla maxaa la ii abuuray, Filmkani taariikhdeydii xun ay ka buuxdo maxaa la ii siiyey....Alla maxaan waa hore ciid aan isaga noqon waaye, Dadka hadda dhulka saaran oo keliya hortoodii in nalagu ceebeeyo ayaaba wax wayn ah ku feker meel Qaawiil iyo Haawiil xitaa ay joogaan, Ayeeyadaadii, Awoowahaagii, Walaalahaaga dhan ay wada fadhiyaan haddii laguugu soo qarxiyo weliba halkaasi adiga oo dembiila ah haddii laguugu dhaho (Qabta oo xirxira) ''خذوه فغلوه ثم الجحيم صلوه''....).Filmkaaga si aad u quruxsato wadada ugu fiican ee aad sameyn karto maanta; Waa in aad xusuusataa il biriqsi weliba in Screenshoot uu kuugu dhacayo, Xumaan ha daawanin, Ha faafinin, Hadalkaaga ka taxadar, Dulmi ka fogow, Si kooban noqo qof ilbriqsi kasto ka warqaba in camero ay ku socoto, Haddii aad wadada socoto, Haddii aad wax cuneyso intaba Cameradu way kula socotaaa sidda qof madaxweyne uu isaga ilaaliyo camerooyinka cml noqo si hadhow dambe filmkaagii uu noqdo mid wanaagsan oo la daawna karo..... 

Haddana si aad hadhow u noqoto dadka dhihi doona ''Saaxibayaal kaalaya, Filmkeygii ila daawada, Wallaahi waan u maleynaaye (Oo waanba ku xisaabtamayey in siddani ay wax u dhici doonaan, Natiijadani waan filaneyey). Quraanka kariimka waxaa lagu sheegay dad siddani dhihi doono ''Waanba u maleynaaye in xisaabteydii siddani ay noqon doonto''. 

فَاَمَّا مَنْ اُو۫تِيَ كِتَابَهُ بِيَم۪ينِه۪ فَيَقُولُ هَٓاؤُ۬مُ اقْرَؤُ۫ا كِتَابِيَهْۚ اِنّ۪ي ظَنَنْتُ اَنّ۪ي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْۚ



Kuwa Kitaabkoodii (Filmka Nolashoodii laga duubay) Gacanta midig laga siiyo waxay dhihi doonaan ''Alla (Saaxibayaal) ila aqriya kitaabkeygii (İla daawa filmkeygii Nolasha wixii aan aduunka ku soo sameeyey). Waanba u maleynaaye in aan xisaabteydaan la kulmi doono''. Haddii aad quruxsan wayso filmkaagii koley dadka dhulka saaran oo dhan maallinbaa nin weliba nolashiisii lasoo bandhigi doonaa, Haddaad wanaajisato waa adiga, Haddaad is madadaaliso, [Screenshooted] adiga oo ismadaalinaayo

Post a Comment

0 Comments