Bani aadamku markii uu bilaabayey fahamka kownka waxaa uu rumeysanaa in wax weliba maado ay ka sameysmeen fikirkaasi maadada dad badan ayaa ku gaaloobay ugu dambeyn
maanta taariikhda ayuu fikirkaasi ku darsamay waayo waxaa la ogaaday in maadada laftirkeedii walxo kale in ay ka sameysto, Kolkanina waxaa ay bilaabeen in fikirkani diinta ay ka horkeenaan dad badan oo jaamacado kasoo baxay ayaa ku gaaloobay culima badan ayaa ku inxiraaftay, Sidda uu cilmiga uu horumarayey markii wax badan laga ogaaday metaverse dunida Quantum waxaa shaqeyn waaye qaanuun weliba oo cilmi ah oo bani aadamku yaqaanay.Qaabka ay u shaqeyso dunida Quantum majirto qaacido cilmiyeed oo waafaqsan oo maanta dunida laga isticmaalo waa caalam kale oo gaar ah. Waxaana halkanina kasoo baxay in la dhaho kownka oo dhan marka loo fiiriyo Quantumsku waa sidda program computer oo kale software wax weliba oo dunida ka dhex dhacaya, Wax weliba ee sameysma iyo waxa soo socda qaabka ay u dhici doonaan waxaa ay u programsan yihiin qaab bani aadam uusan fahmi karin bani aadamka ayaaba qayb ka ah DATADA kownka. Tanina Quraanka marka loo fiiriyo waa Lowxul maxfuud DATA BASE-KA macluumaadka kownka oo dhan ay ku qoran yihiin. (Atom weliba heerka dhaqdhaaqiisa Electronada sidda ay isugu dhici doonaan waa wax la ogyahay xisaabtoodii).
Xaqiiqada iyada oo siddaa ay u cadahay ayaa waxaad arkeysaa kuwo maanta ku oranaayo (Waxyaabo inorganic ah ayaan ka sameysanahay, Khalaas haddaan dhimano İnorganic uunbaa noqoneynaa xisaab iyo nolal majirto) 😂 Waxaa ay moogan yihiin kownka iska dhaaf wax kale hal joule oo Energy ah xitaa kuma dhex dhumanaayo, Daa'imaa form kale oo cusub ayuu isku bedelayaa haddaad dhimato haddane qaab kale oo cusub ayaa u gudbeysaa, Wax weliba oo aad sameyso oo energy kaaga baxo goobta iyo xilliga ay ahaataba KOWNKA WAXBA KUMA DHEX DHUMAAN, Waa kuwo diiwaangashan oo la keenayo shar ama khayr.Luqmaan Xikam wiikiisii markii uu waaninayey waxaa uu ku dhahay Quraanka Kariimka Alle isaga oo ka waramayo waxaa uu Luqmaan wiilkiisii ku dhahay ''Wiilkeyow wax weliba ee aad sameyso shar ama khayr xitaa haddii ay la egtahay khardal samada iyo dhulkaba (Halka aad ku sameyso) Alle waa kii keena (Haddaba wiilkeygiyow taxadar), Alle waxaa uu ahaaday mid wax weliba ka warhaaya ee adoomadiisii u dhimriya''.
يَا بُنَيَّ إِنَّهَا إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِي صَخْرَةٍ أَوْ فِي السَّمَاوَاتِ أَوْ فِي الْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ
Maantana cilmi ahaan ayey u sugantahay in kownka uusan ku dhex dhumi karin energy nooca uu ahaadaba, Tanina qaanuun dhan ayaaba jiro oo schoolada lagu dhigto (Law of conservation of energy) Laakiin dadka badankoodii indhaha Matteryalist maadama casharada ay ku fiirinayaan ma arkayaan xaqiiqada ama qaarkood imtixaanka macallinka dartiisii u baranayaan kadibne wayba iloobaan 😂
0 Comments