Fursadaha ugu waaweyn ee qof uu haysto maanta balse uusan ku baraarugsaneyn faa'idadeedii mid kamid ah waa
Haddaba qofka caqliga leh si uu uga faa'ideysto jaaniskani waxaa uu kordhin karaa maalmaha Alle dartiisii uu soomayo. Tusaale qof ayaa Alle dartiisii u soomay bishii oo dhan 4 maallin isaga oo Alle dartisii oo keliya ay ka tahay ujeedo kale aanan lahayn. 4x70 sano = 280 Sano ayu qofkaasi jaanis u helayaa in Naarta Alle uu ka fogeeyo sidda xadiiska Nebiga NNKH laga fahmaayo. Bishii haddii 4 maallin laga soo qaado sanadkii waa 48 Maallin. 48 x 70 sano = 3.360 Sano waa Naarta halagaa fogeeyo. Waa xisaabta ugu yar.
Adiga oo dhulka jooga si fudud ku samey camalo aanan dhib lahayn kadibne hel fursad aad Naarta kaga fogaato waa fursad xitaa aanan u dhigmin wax weliba ee dhulka yaalo ee qiimo leh iyo wax aanan qiima lahaynba haddii lagu dhaho waalagu siinayaa. 70 sano dhan ayaa Naarta ka fogaaneysaa keliya 12 Saac hal maallin ku soon waa fursad wayn. Fursadaan waxaa si dhib la'aan ah xilliyadaan cml u sameyn karo si gaar ah dadka qurbaha joogo ee xilliyada qaboobaha maallintuna ay u gaaban tahay. Haddana dhibka jiro ayaa waxaa uu yahay shaydaanku maadama uu la ogyahay in fursad noocani oo kale ah ay jirto qofka isaga oo yaqaano xitaa fursadani sababo aanan la aqoonin darteedii MA SOOMAYO 😂 Dad aanan rabbin in ay shaqeystaan maxay dhulka buuxaan! Xitaa haddii aad dhimato waxaa wax wayn ah ugu yaraan in aad ku xisaabtameyso in uun ay jiraan maalmo Alle dartiisii oo keliya aad u soontay.

0 Comments