Sannado ka hor, waxa Soomaalida soo gashay mawjad Ilxaad ah oo
oodeheeda wadata, wax dadka ku cusub oo dooddeedu ay Feysbuugga qabsatay ayay noqotay, lamana arag culimo badan oo ugu babbacdhigaysa mawjaddaas Ilaahayba dafiraysay ee dadka khalkhalisay, sida ay badiba culimadeennu iyagu qaladka isula raadiyaan ee ay isugu babbacdhigaan, kooxibana ay kooxda kale u sudhan tahay!Dadkii mawjaddaas la fahmay sida ay wax u waddo ee u babbacdhigay waxa ay ahaayeen dhallin iska caadi ah oo arrinkaas fahansanaa, aakhirkiina dooddeedii dardarta iyo xaraaradda la soo biirtay way iska fashilantay oo way soo afmeerantay.Haddana waxa bilaabantay mawjad kale oo Calmaaniyad ah, waana Ilxaadkii fashilmay oo magac kale loo sameeyay, oo dabcan dadka caamada ah labada magac isla-doonashadoodu waqti badan ayay ku qaadanaysay, iyadana badiba culimadu way ka hurdeen oo tii horeba war kama aanay haynin, haddii ay ka hayeenna ugama aanay hadlin sidii looga baahnaa.Laga yaabaa magacan Calmaaniyad in uu sannadkan dadka aad u dhexqaaday, lkn muddo dhawr sano ah ayuu soo tarmayay.
2018-ka horraantiisii ayaan weydiiyay guddoomiyihii jaamacaddayada Najaax ee Burco, Dr. Faysal, maalin uu nagu yidhi wixii talo iyo tusaale ah bal ila wadaaga: "dagaalka maanta socdaa waa mid fekradeed oo aragtiyo iyo aydiyoolajiyado ayaa ina soo galay, ay Ilxaad iyo Calmaaniyadi calanka u sidaan, jaamacaddeennuna waa ta keliya ee diiniga sida gaarka ah ugu sheeggan, ee maxaa i nooga qorshaysan?!""Waannu eegi doonnaa!" Ayuu guddoomiyahaygaasi kaga baxay!Loollankan Calmaaniyadda ee maanta oogan, shakhsiyaadka isku deyay in ay u babbacdhigaan oo waxa ay tahay ay dadka fahansiiyaan, waa la yaqaanaa, illaa haddana innaga oo og buuqiisu halka uu marayo, culimadeennu dhankiisa waa ka gaabis.Si ay ahaataba, kanina in uu soo fashilmayo ayay u eg tahay, waxana hadda bilaabmaya mawjaddii saddexaad ee Calmaaniyadda beddelka u noqonaysay, ee markii ay Calmaaniyaddu shaqayn weyday iyada dhankeeda loo digaroganayay, halkaasna Insha Allaah waan la tegi doonnaa sidii aynnu Ilxaadka iyo Calmaaniyaddaba ula joognay, ee illaa hadda ma dhaaddana culimadeennu oo mawjaddaas ma dareensana, haddii ay dareensan yihiinna waxa aad mooddaa in aanay wax macne ahba agtooda ka samaynayn!
Culimada ma diiddani, ma maagayo, kuma kacsani, ma xumaynayo, lkn waxa aan leeyahay, oo cod dheer iyo mid hooseba aan ku leeyahay, way ka gaabiyeen doorkooda waayahan kaga aaddan, heer uu arrinku marayo, mawjad kasta oo Islaam-la-dirir ah oo ina soo gasha, in ay safka hore kaga jiraan dhallintii maxaddadooda ka soo baxday ee ay diinta iyagu soo bareen!Waaqican waxa aad mooddaa culimadeenna maantu in aanay u bislayn, ama aanay daacad ka ahayn.Culimada aan ka hadlayaa ma aha ragga waaweyn ee ku cirraystay u-hiilinta diintan, ee waa gadhmadoobayaasha dhallinta cuslaatay ah ee culimada ku sheeggan, dal iyo dibedba!
Waad gabteen doorkiinnii aad ummadda ku lahaydeen!Imminkana mawjaddii saddexaad oo labada horeba ka halis badan ayaa bilaabmaysa, fitno cusubina way ina soo galaysaa, sannad iyo laba ka dib ayaana riiqdeeda la arki doonaa!
0 Comments