Xaqiiqada Dahsoon Iyo Sababta Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄ Cunaqabataynta Hubka Usaaran Yahay

 Somalia ayaa loo diiday in cunaqabateynta hubka laga qaado, Cadeymihii iyo codsiyadii ay usoo bandhigtay dhan iyo hadafka la dagaalanka AS marka la qiimeeyey kadib jawaab 'Cunaqabateynta la idinkama qaadayo ah'' ayaa lasiiyey. 

Haddaba dhinac in qaramada midoobay ay kaa dhahdo ''La dagaal argagixisada, Dhinacna in ay kuu diido hub taya leh oo aad ku dagaalanto maxaa laga fahmayaa?''. Haddii ay ku arkaan in aad ka niyad jabtay go'aankoodii si niyad dhis ah waxaa ay ku dhahayaan ''Bal waayahaye soo diyaarsada 100 wiil oo lix bilood jimicsi dalka dibadiisii aan ugu soo sameyno''. 

Somalida iyo qaramada Midoobay sidda ay u kala aragti duwan yihiin; Cunaqabateynta hubka in weli ay saarnaato Soomaaliya mareykanka oo ugu horeeyo dalalka diiday in somalida cunaqabateyn laga qaado, Waxaa ay ku fekerayaan qaar naga mid ah ''Δ°n Somalida laga naxaayo, Maadama lagayaabo qabiil qabiil in ay isku dilaan, Siddaasi in hubka loogu diiday ayey u maleeyaan''. 

Laakiin waa been, Jawaab caqligal ah ma aha. Δ°n Somalidu qabiil to qabiil in ay isku disho weliba hub fiican ay isku isticmaasho waaba faa'ido aad u wayn, Mashruucii mareykanka iyo Δ°ngiriiska ayaaba kolkaasi si sharuud la'aan ah u dhaqan galaayo. Cid Somali ka naxeyso dunida majirto. Δ°n ay dagaalamaan dhexdoodii Aduunka waa u faa'ido suuq fiican ayaa ka dhex sameysmaayo. 

Sababta loogu diiday in cunaqabateynta laga qaado simply; Waa in Soomaalida oo dhan loo wada arko Alshabaab, Midkoodii suudka xiran iyo kan hubeysanba, Ajaaniibtu shaki ayey ka qabaan. Qoom aanan la kala bixin karin oo lagu wareero ayaan nahay. Haddii cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya waxaa ay isleeyihiin; Hubkani AS ayey u gudbinayaan. Kolkaasi geesi Africa quwad aanan caadi ahayn oo Alshabaab ayaa ka sameysmeysa ilaa kenya & Ethopia u gudbayaan.
Taasina in ay dhacdo iyagu ma rabbaan. 

Laakiin fikirka dhahaayo ''Somalida ayaa  laga naxay, Caafimaadkoodii ayaa laga fekerayaa waa fikir daciif ah''. Wadan dadkiisu %100 Muslimiin ay wada yihiin, Dumarkiisu %100 ay wada xijaaban yihiin, Dadkiisu wada xaafidul Quraan yihiin. Waxyar oo sharci ah haddii la soo saaro dad dood ka keenayo, Weli xitaa iyada oo ay jiraan dad Dastuur kasoo horjeeda, Qaramada Midoobay in ay hub ku caawiso cunaqabateyn ay ka qaado waa wax khiyaali ah. Kuwa dagaalka lagula jiro iyo kuwani la caawinaayo iyaga xaggoodii waxba isma dhamaan. Dadkaasi ma fiiriyaan Details-ka qaarkeen kuma mashquulsan yihiin.

Wadan dagaal ku jiro oo hub loo diidaayo waxaa ay si cad ah kuu tuseysaa in qaramada midoobay Somalida oo dhan wada Alshabaab in ay u aragto, Si kasto dowlada ay isaga dhigto in Shabaab dagaal ay kula jirto, Weli qaramada midoobay kama dhaadhicin in Somalia uu kasoo muuqdo dhaqdhaaq Secular ah πŸ˜‚  Siddaasi darteeda waxaa la oran karaa ''Qaramada midoobay waxaa ay ka baqday in ay hub ku caawiso dad iyaga oo dhan Potential-Alshabaab wada ah''. 

Hubaal waxaa ah %100 haddii Somaliya ay ka dhex arki lahaayeen dhaqdhaqaaq iyaga xaggoodii ka fiican oo Secular ah oo LGBT...Δ°wm taageero si dagdag ah ayaa cunaqbateynta hubka looga qaadi lahaaa. Caksigeedii dad ku dhahaayo dowlad ayaan nahay haddana surweel yar oo xildhibaanad ay soo xirtay dood ka keenaayo qaramada midoobay waxay leedahay ''Soomaaliyey ama noo midab ekaada haddii kale ciyaartaan noogama caqli badin kartaan''. πŸ˜‚

Post a Comment

0 Comments