Runta Qaraar Ee Somalida Iska Indhotirto Iyo Xalka Muxuu Yahay ??

 Aad ayey u adagtahay Soomaali dhexdeedii iyada oo aanan la isla fahmin problemyadani in xal uu imaanayo, Nasiib daro

waxyaabo aanan dhibka asalka ahayn ayey dadka isku ku mashquulinayaan. Tusaale Qaraxii dhawaan ka dhacay wasaarada qolo waxaa a rumeysan tahay ''Meesha wax wasaarad la dhaho in aysan ka jirin xero ciidan oo Tacliin loogu magac daray in ay ku taalay xero murtadiin lagu qorto in ay ahayd ayey rumeysan tahay''. Dadka kasoo horjeeda ee soomaalida badankoodii iyaguna waxay qabaan ''İn lagu xadgubaayo si kas oo ula kac ah dad muslimiin ah oo xitaa dowlad aanan shaqo ku lahayn, Kuwo iska ganacsanaaye in la dilay''. Haddaba labadani qolo waxaa ay isku haayaan si kooban ''Waa murtad ayaa tahay, İyo Ma ihi Murtad''. 
Xalka ugu wanaagsan waxaa uu yahay in la isla garto; Waa maxay shirki? Waa maxay waxyaabaha lagu gaaloobo? Qofkii gaaloobo maxay diinta qabtaa in lagu sameeyo? Si gaar ah su'aasha waa maxay shirki iyada oo aanan la isla fahmin xalku aad ayuu u fogyahay. Nasiib daro culimada oo kale marka ay rabaan in ay ka hadlaan falka dhacay waxaa uu hadalkoodii uu u badan yahay, Uuna u badnaanyaan inta badan dareen (Muslimiin ayaa la dilay, Hooyo miskin ama gabdh yar ayaa dhismo hoostii laga soo bixiyey , shacab tukanaayo ayaa la qarxiyey iwm). Waxyaabahani waa loo baahan yahay in laga hadlo, Laakiin qolooyinka dagaalka lagula jiro afkaartoodii si cilmi ah oo nadqin ah waa maxay sababta ay uga gaabsanayaan Anigu ma fahmin. Sababtoo ah qofkani marka uu masjidka qarxinaayo xitaa (Tusaale ahaan) Waxa uu wataa daliil nooca uu ahaadaba kaas oo u sharciyeynaayo in qaraxaas uu fuliyo.
Haddii culimada ama aqoonyahanada xooga ay saari lahaayeen xagga cilmiga ah ee iska fujinta timbaraha ''Riddada'' %100 waxaa hagaagi lahaa wax badan. Xaalada hadda jirto ee soomaaliya waxaa ay u muuqataa sidda tusaalahani oo kale ''Adiga oo wadada iska socda ayaa qof waxaa uu ku dhahayaa ''Tuug ayaa tahay''. Adigana booskii lagaaga baahnaa in aad dhahdo ''Tuug ma ihi Cadeynteedii waa tan''. Ku feker haddii aad dooda ka bilowdo, Qofkaan dadka ayuu soo jiideniyaa, Waa qof xun, Oo dadka ayuu been ka sheega, Qofkani halaga fogaado, Qofkaan oo kale weligiis ayuu jiri jiray...İwm. Xalku aad ayuu u fudud yahay ''Tuug ma ihi, Xujeydii waa tan''. Kadib qofkaasi masii joogayaa halkaas ama in kale waad kala arkeysaa.
Si kooban ''Waa maxay shirki, Yaa muslim ah yaase gaal ah, Siddee diinta looga baxaa'' Haddaan xooga la saarin iska dhaaf mid soomaali joogee boqolaal kun oo qofood kale oo hoosta wax ka rumeysan ayaa jiraayo, Sababtoo ah waxa lagu dagaalayo ma aha wax sahlan waa daliil iyo xujo diini ah. Xalka ugu fiican ma aha zuulinta cudurka, Ee waa iska talaalista, Talaalkuna waa cilmi iyo xujo adag. Waxaan hubaa anigu fekerkeyga kumanaan soomaalia h in hoosta ay ka aaminsan yihiin in dowladu tahay mid gaala ah, Dadka u shaqeyana murtadiin ay yihiin. Xilliga ay noqotaba kuwani waa potantial waa kuwo soo kacaayo.
(Dowlada iyada oo timbarahani aysan iska qaadin, Waxba masoo kordhineyso boqolaal qof oo duurka lagu dilay, Xitaa Amiirkoodii haddii la dilo, Waxba natiijo ma keenayso). Keliya faa'idada laga dhaxlaayo waxay noqoneysa hadii awal weerarkoodii %70 uu ahaa, kolkani %5 iwm ayey noqonayaan. Si hoose ayeyna u kobcayaan.  
Nasiib daro ''Dadka badankoodi ma jeclo, Xitaa shiikhyada baabkani shirkiga iyo waxyaabaha la xiriiro in ay furaan, Siddoo kalena ay ka hadlaan''.

Post a Comment

0 Comments