Qaanuunka Nolasha Aadamiga

Biniaadamku noloshiisa wuu bedeli karaa oo go'aan baa ka xiga balse waxa muhiim ah 

inuu  garanayo xaaladda uu ku sugan yahay iyo inta uu u jiro hadafkiisa.  

Waxaan idinla wadaagayaa dhowr xaaladood oo aan notes ka qoray buugaag aan akhriyay Mar hadii noloshu socdaal tahay, waxaan sharaxa ku tusaalaynayaa gaadhi, diyaarad iwm.

𝟭. 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮 "𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘅𝗶𝗴𝗮?"

Waxa layidhi berigii ay dayaxa tageen cirbixiyeennadii maraykan ee ay dhulka kusoo noqdeen ayaa la arkay iyagoo murugo ka muuqato dhowr bilood kaddib, baadhitaan dheer oo nafsiyeed kadib waxa la ogaaday in qofka biniaadamka ahi haduu hadaf gaadho aad ula waynaa, ay keento in uu hadaf kale samaysan waayo oo uu is weydiiyo hadaba maxaa xiga.

 Xaaladdan waxa badanka gala bulshada qofku marka uu in badan ku hawlanaa helitaanka wax, kadibna uu helo, tusaale ahaan qof wax bartay kadibna shaqo helay oo noloshiisu dhaafi wayday shaqee, seexo hadana shaqo tag.  

Taasi waxa ay keentaa waxa afka qalaad lagu yidhaa "settlement" oo ah inuu qofku ku xasilo halkaa uu joogo sidii nin reer guuraa ah oo meel doog leh xoolihiisa u helay, hore u socod danbena aanu hawaysan.

𝟮. 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮 "𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝗸𝘂𝘂 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱 𝗼𝗴𝗮𝘆𝗻"

Gaadhigu marka aanu awood isticmaalayn ee hadana uu kula socdo, cagtaadu kuma taagna xawaare kordhiyaha balse laga yaabaa in dalcad aad ka daadegayso.

Xaaladdan waxa qofku galaa marka dedaal noloshiisa uu galiyay uu ka gaabiyo balse aanay mushkilado haysan tusaya hoos u dhaca. Goor danbe uun buu ku war helaa meel meeshii ha meeqaam hoosaysa isagoo jooga.

hadaanu is dareemin noloshiisu hoos bay usoconaysaa sidaa gaadhi dalcad ka degaya oo kale waayo awood ma isticmaalayo hore u wadda.

𝟯. 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮 "𝗛𝗶𝘆𝗶-𝗸𝗮𝗰 𝗮𝗺𝗮 𝗲𝗱𝗯𝗶𝗻 𝗻𝗮𝗳𝗲𝗲𝗱, 𝗺𝗶𝗱 𝗹𝗮 𝗻𝗼𝗼𝗹𝗼𝘄"

Dadka badankiisu waxay u haystaan in dhiirri galintu keento inaad hadafkaaga hesho,  balse dhiiri galintu waa sida cuntada oo jidhkaaga kuma jirayso mar walba,  waxaadse u baahan tahay "edbin" naftaada aad barto qabashada waxa saxda ah ama rab ama ha rabin.  

Markaad dedaasho, kadib isbedel aragto naftaada ah, waxaad dareentaa farxad, farxadaasaa dhasha dedaal kale. Balse adoon midhba qaban farxada timaaddaa waa ta dhiirri gelinta markaad dhowr video oo motivation ah daawato, is canaanato ee aad hiyi kacdo, balse berriba qofkii uunbaad tahayoo halkii baad ka miisi"

Noloshu waa sida socdaal habeenkii ah oo aad gaadhi waddo,  hadaad intaad laydhka shidato tidhaa meeshaa waan gaadhi karaa tusaale ahaan, hadana is tidhaa sowtan aan muuqan,  waa xamaasadda dhiiri galinta oo qofku niyad jabo maxaa yeelay hadafku mar walba ma muuqdo.

balse hadaad intaad laydhka shidato waxa kuu muuqanaya 20 mitir,  20kaa markaad gaadhana 20kale ilaa aad ka gaadhayso halkaad rabtay.  

 Taan uga socdaa waa, nafta ku edbi nolosha inta kuu muuqata uun inaad ku dedaasho, hubaalna processkaa farxad keena ee hiyi kacu meel kuuma wadayo ilaa aad nafta dareensiiso inaad socoto.

𝟰.𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗮 𝘆𝗶𝗱𝗵𝗮𝗮 "𝗟𝗲𝗲𝘅𝗮𝗱"

Diyaaraddu marka ay kacayso hadii hal degree ay bidix ama midig uga leexato jihada ay u duushay (hadda hal degree waa wax yar) waxa ay sababtaa masaafo labo waddan ah inay jihadii ka qaldanto, waa sababta duuliyayaashu aanay wax walba ugu aaminin maskaxdooda ilaa ay sameeyaan checklist ay waliba sadex jeer ku dhawaaqaan.

Tusaalahan waxaan uga socdaa noloshaadu waa maalmo la isugeeyay, mana dareensanid inaad socoto sax iyo qaladba, balse goor aad meel daran isku aragto uunbaad is waydiisaa maxaa qaldamay.  Hadii maalin walba kuu noqoto midaad xisaab ku jihayso kaama qaldamayo hadafku,  hase ahaatee maalinba sida ay maalin kuugu dhiibayso ayuunbaad odhanaysaa odhaahda caanka ah ee "niyaw sanadku dheereeyaa!!".

Sanadku ma dhakhsanayo ee qofka waxa waqtiga xasuusiya ahdaafta uu gaadhay.  Laakin hadii sanadkoo dhami isugu kaa mid ahaa, maad noolayn sanadkaa,  ee waxaad noolayd hal maalin oo aad soo celcelisay 365 jeer.

Akhriste maxaad ku sugan tahay?

Post a Comment

0 Comments