Kacaankii Warshadaha (Industrial Revolution)

Dabyaaqadii qarnigii 17aad ilaa horraantii qarnigii 18aad, bulshadii Ingiriiska ee waaga nooleyd habnololoodkooda si caadi ah ayey u wateen. Marka laga eego dhan shaqo dhan fikir intuba si dabiici ah ayey u socdeen.



Sidii ay dunida & waayaheeduba sidaa aheyd ayaa badhtamihii qarnigii 18aad, Ingiriiska waxa ka bilaabmay isbadal weyn oo dhan dhaqaale, aqooneed iyo farsamaba u badalay cudud dhaqaale iyo waxsoosaar oo dunida ka muuqatay. Isbadalkaa mugga weyn ee ingiriiska ka dhacay oo ah waxay taariikhyahannada reer yurub siiba Arnold toynbee uugu yeedhaan" kacaankii warshadaha". 

Kacaankii warshadaha ee Ingiriiska ka bilaabmay yurub & maraykanna kusii fiday wuxuu ahaa kacaanno badan sida kii dhaqaale,beerasho iyo tiknoolajiyadeed oo isku xigxigay. Qoriga xaabadu wuxuu ahaa isha tamareed ee uugu weyn ee ingiriisku waaga isticmaali jireen. Una isticmaali jireen macdan qodista, waxana la goyn jiray dhir badan si tamar loogubo taaso ay adkeyd in la raro. Sidaa daraadeed ingiriisku wuxuu ubaahnaa tamar-shiidaaleed cusub. 

Dhuxul-dhagaxda oo noqotay tamartii cusbeyd ayaa badashay qorixaabeedki la isticmaali jiray.Dhuxul-dhagaxdu waxay bilaw iyo ibafur u aheyd kacaan weyn oo ingiriiska ka dhashay qarnigii 18aad. Dhuxul-dhagaxdu waxay saddexjibbaar ka awood badantay qoriga. Waxayna ka mid ahayd khayraadkii uu alle ku galladay waddankaa, si fududna waa loo qodijiray. Waagaas ingiriiska waxay u ahayd maanfur warshadeed iyo aqooneedba.Bulshada iyo Madaxduba wey ixtiraami jireen saynisyahannada Iyo indheergaradkaba.



Xilligaa waxyaabo badan ayaa la ikhtiraacay sida:sibidhka amba jaajuurka oo lagu dhisi jiray kanaalada. Korodh weyn ayaa ku yimid tamartii la isticmaali jiray, maxaa yeelay dhuxul-dhagaxdu waxay noqotay furihii tiknoolajiyadeed ee kacaankii warshadaha. Bulshadiina waxay usoo hayaameen dhanka magaalooyinka tusaale 1750 15% oo kamida mujtamicii guud ee ingiriiska ayaa ku noola magaalooyinka. Se 1850 50% ayaa ku noola magaalooyinka, 1900 tirada ku nool magaalooyinka 85% ayey gaadhay. Cududaa shaqaale ee soo galay magaalooyinka waxay sababtay korodh ku yimaada dhanka beerashada, dalag intii hore ka badan ayaa lasoo saaray. Waxyaabihii hab-beerashada kor u qaaday waxa kamida qalabyadii la ikhtiraacay sida cagafta beer-qodoshada.

Post a Comment

0 Comments