Xisaabtu Waa Badbaadada Nolasha Aduunka Iyo Tan Aakhiro



 Haddii hospital la dhiso qalabkiisa oo dhan loo dhameystiro, Kadibne hal billion oo dollar oo keliya haddii hospitalkaas meel loo dhigo. Maallin weliba hospitalkaas si bilash haddii 300 oo qof ah uu qaabilo iyada oo hal dollar xitaa aanan la waydineynin qofka. Qarashka ku baxaayo hospitalka iyo daawooyinka dadka haddii halkaa billion oo dollar bes haddii laga baxsho.

Lacagtani halka billion oo dollar ahna waa qiimaha khaatka kasoo daga kenya muda bil ama wax ka yar haddii dadka khaatka cuno lagu dhaho ''10 maallin fasax ka qaata khaatka lacagta aad ku iibsan jirtay siddeedii u bixi''. 10-kaa maallin kadib siddaad doontaan khaatkiina u cuna. 10-kaa maallin ee fasaxa hal hospital oo maallin kasto 300 qof si free ah ku qaabila oo laba qarni shaqeyn kara ayey dhisi karaan. Xisaabtu waa badbaada nolasha aduunka iyo tan Aakhiro, Laakiin Xisaab la'aan iyo Maamul la'aan haddii ay isqabsto wadan kasokow qofkii intaa ay qabsata nolasha ayuu ka dhacayaaa.



Xisaabta hospitalka halka billion ee dollar inkasto qiyaas ay tahay siddani ayey noqon kartaa. Si xisaabta ay inoogu saxnaato waxaan wax weliba ka bilaabeynaa hospitalka oo dhisan oo qalabkiisu dhameystiran yihiin. Waxaad haysataa Hal billion oo dollar (1.000.000.000$) Waxaana loo baahan yahay in lacagtani lagu dhiso hospital si free ah ku shaqeeya oo sanado badan shaqeeya. 

Kasoo qaad hospitaalka in ay ka shaqeeyaan 300 oo dhaqtar iyo shaqaale ay isugu jiraaan. Qof weliba miishaarka uu ku shaqeeyo waa 500$ (Haloo kala badiyo ama haloo kala yareeyo laakiin xisaab ahaan bajadka miishaarka shaqaalaha ee qof weliba ku baxaayo waa 500$ bishii. Total bishii bajadka shaqaalaha iyo dhaqaatiirtku waa = 150.000$ Sanadkii waa 1.800.000$

Siddo kale hospitalka waxaa uu aqbalaa maallin weliba 300 oo qof xanuunsan. İnkasto aanan la qiyaasi karin baahida xanuunka dadka kasoo qaad qof weliba in ay ku baxdo hospitalka cag marka uu soo dhigaba 400$ (Badanaa way ka yartahay). Laakiin annagu bukaan weliba 400$ in ay ku baxdo aan kasoo qaadno. Qiimaha maallintii ee bukaanada ku bixi karto calaa qof 400$ Min 300 bukaan waa = 120.000$ Maallintii. Bishiina qiimaha bukaanada ku bixi karto waa = 3.600.000$ Sanadkiina waa = 43.200.000$ (Lacagta bukaanadu wa daawooyinkoodii iyo adeegoodii). Sababtoo ah dhaqaatiirta iyo shaqaalayaasha hospitalka lacag go'an oo miishaar ayey ku shaqeeyaan.

Lacagaha shaqaalaha iyo lacagaha bukaanada (Daawooyinkoodii) Ayaan kuusoo sheegay. Waxyaabo kale oo aanan la aqoonin oo kuugu soo bixi karo sanadkii 5.000.000$ lacag ah meel isaga dhig. 



Total waxaa sanadkii kaa baxaayo; Lacagtii shaqaalaha = 1.800.000$ + 43.200.000$ (Lacagtii bukaanada) + 5.000.000$ (Lama ogaan karo) = 45.500.000$ Sanadkii waxaa hospitalkaan ku baxo 45 Million oo dollar iyo 500 kun. 

Haddaba lacagta aan haysano ee halkii billion ahayd u qaybi sanadkii lacagta kaa baxdo si aan u ogaano processkaan inta sano ee uu shaqeyn karo; 1.000.000.000$ / 45.500.000$= 22 sano ayuu hospitalkani shaqeyn karaa lacag la'aan. Shardi waxaa ah bukaan weliba baahidiisa in ay la ekaato maallin weliba 400$. 

Maadama 22 sano hospitalkani uu shaqeynaayo 2 u qaybi sidda wax aynan hadda ogeyn lacala ama dhacdooyin waaweyn in ay soo baxi karaan ka dhig) 11 sano ayuu si bilaash ah uu u shaqeyn karaa hospitalka. Xitaa 5 sano ka dhig in free uu yahay. 5 sano kadib haddane hal billion cusub waad helaysaa. Xisaabtu wax badan ayey nolashu u kala furtaa, Dadka haddii ay xisaab oo dhan iska iloobaan (Waxba hanoo xisaabinin, Waxyaabo dareen ah haddii ay la imaadaan, Xisaabta uma aaba yeelayso khasaare ayey ku abaalmarineysaa). Hal billion oo dollar somali xaggeedii raqiis may ka tahay ama waa qaali taasi ma ogaan karo laakiin system sanado badan shaqeynaayo ayaa lagu dhisi karaaa. Bilowgii maadama aan kaaga soo qabtay hospital dhisan hadda lacagta aad haysato hospital waad ku dhisan kartaa 50 million oo dollar hospital la eg ayaa ku dhisan karaa. Hospitalka ugu qurxoon.

Post a Comment

0 Comments