Ardaydeena soomaaliyeed maxay ubaahan yihiin?

 


Arday aan aqoon lahayn waa mid aan xog haysan, arday aan faham lahayn waa mid jaahil ah, halka arday aan xigmad lahayn uu noqonayo mid aan si sax ah u isticmaalin aqoontiisa.

Luuqadda Ingiriisiga waxay leedahay saddex erey oo muhiim ah:

1.   Knowledge (Aqoon)

2.   Understanding (Fahan)

3.   Wisdom (Xigmad)

Ardayda waxay u baahan yihiin inay go’aanno sax ah gaaraan, go’aanna sax uma gaari karaan la’aanta macluumaad sax ah. Ardayda da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 20 waxay inta badan xogtooda ka helaan warar aan la hubin oo been abuurka Facebook ga, xanaha Twitter-ka, is-muujinta Instagram-ka, iyo qashinka TikTok-ka. Taas waxay keenaysaa in ardaydu si khaldan loo wargeliyo, loo fahan qaldo lana marin habaabiyo.

Waxaa la yiri "Dhiirrigelin la’aan ma jiraayo dadaal, dadaal la’aanna ma jiraayo anshax, anshax la’aanna guul lama gaarikaro."



Waa maxay muhiimadda?

Arday aan aqoon lahayn ma garanayo waxa uu rabo, arday aan dhiirrigelin lahayn ma raadiyo waxa uu rabo, arday aan adkaysi lahaynna ma gaaro waxa uu rabo.

Ardayda dhabta ah maxay rabaan?

Ardaydu ma rabaan sheekooyin guul ah, waxay rabaan inay ogaadaan sida ay u hagaajin karaan aqoontooda, sida ay uga adkaan karaan caqbadohooda iyo sida loogu guulaysan lahaa imtixaannada.

Ardaydu waxay u baahan yihiin saddex nooc oo lataliye ah:

1.   Lataliye Waxbarasho kaas oo ka caawinayo aqoonta iyo xirfadaha waxbarashada.

2.   Lataliye Diineed kaas oo xoojinayo arimaha diinta iyo aqlaaqda ardayda.

3.   Lataliye Xirfadeed oo gacan ka siinayaa jihaynta mustaqbalka shaqo.

Macallimiintu ma bartaan wax ka baxsan manhajka ay dhigayaan, sidaas darteed, ardaydu mararka qaar uma qaataan talooyin kooda si dhab ah. Balse khubarada dibadda ka imaanaya, waxay leeyihiin barnaamijyo kala duwan iyo casharro si gaar ah u qaabeysan.



Waa Maxay Xalka?

Ardaydu waxay u baahan yihiin macluumaad, markaas kadib dhiirrigelin laakiin waa inay noqotaa mid leh hoggaan toosan.

Post a Comment

0 Comments