Mutadawacnimada Ama Iskaa-Wax U-Qabso “Volunteer”. ?

  Iskaa-Wax-U-Qabso?



Maqaalkan Waxa Aan Uga Hadli Doonnaa Mutadawacnimada Ama Iskaa-Wax￾U-Qabso “Volunteer”. Waa Maxay Iskaa-Wax-U-Qabso? Muhiimadda Ay

Bulshada U Leedahay, Hannaanka Loo Maareeyo Howlaha Iskaa-Wax-U-Qabso,

Waajibaadka Looga Baahanyahay Hagaha Ama Hoggaamiyaha Barnaamijka

Iskaa-Wax-U-Qabso, Iyo Dheefta Laga Hello In Aad Noqotid Mutadawac U

Addeega Bulshadiisa? Sannad Walba Dunidda Waxaa Soo Mara Oo Laga Xusaa

Dunidda Oo Dhan Maalinta Matudawacnimada .Sanadku Markii Uu Ahaa 1985

Tii Waxaa Dhidibada Loo Taagay In Lala Dabbaaldego, La Dhiirrigeliyo, Loona

Hambalyeeyo Dadka U Banbaxay Dadka Ay La Noolyihiin In Ay Ugu

Addeegaan Sida Ugu Macquulsan Oo Ugu Hufan. Iyaga Oo Aan . Shillin Iyo

Shuruud Toona Ku Xirayn Hawshooda, Wax Faa’ido Buuran Oo Ay Ka Rabaana

Aysan Jirin. Malintaas Waxaa La Sameeyaa Wacyigalinno Bulsheed, Dadkaa La

Fahansiiyaa Faa’idada Iskaa-Wax-U-Qabso. Dadka Saboolka Ah Ayaa La

Gaadhsiiyaa Kaalmo Kaladuwan Sida; Mid Waxbarasho, Caafimaad,

Wacyigellin, Dhiiggag Baa Lagu Deeqaa, Shirrar Iyo Tababbaro Ayaa Loo

Qabtaa.

 Waa Maxay Mas’uuliyada Bulshada Wada Saran?

Qof Kastoo Bulshada Kamid Ah Ama Bulshada Guud Ahaneed Marka La Eego

Waxaa Saaran Mas’uuliyad, Mas’uuliyadasna Way Kala Qayb Qaybsan Tahay. Mar

Waa Dadka Madaxda Ah, Salaadiinta, Culimada Iyo Aqonyahanka Waa Hogaanka

Bulshada Haku Hogaamiyaan Hanti Ama Dhaqaale,Maamul Iyo Aqoon Haku

Hogaamiyaan Noocu Doono Hanoqdee Mas’uuliyad Balaaran Ayaa Kasaran

Bulshada. Mar Labaadna Bulshada Caadiga ah Mas’uuliyad Baa Naftiisa Ka Saran

Dadka Kalena Ka Saran. Sidaa Darted Mas’uuliyadahaas Way Fara Badan Yihiin.

Runta Marka La Sheego Bulshada Xaquuq Malahan Kuwa Laga Taagdaran Yahay

Iyo Deeganka Lagu Nool Yahayna Malahan Wax Xaquuq Ah. Qofka Waxa Uu Ka

Fikiro Waa Sida Uu Usamayn Lahaa Faa’idada Ugu Badan Amaba Macaashka Ugu

Badan, Taa Oo Lagasoo Waariday Reer Galbeedka.

Qofka Haduu Iiman Qabin Allah Ayaa Sifeeyay Nooca Uu Yahay : Kaligii Nolaade

Aadmiga Hadii Uu Dhibqabso Waa Mid Argagax Leh Haduu Waxhelo Waa Mid

Aan Laga Fujin. Dunida Seddex Shay Xaduud Malan 1.Balaca Dunida Xaduud

Malahn 2. Jahliga Aadmigana Xaduud Malahan 3. Baahida Iyo Damaca Aadmigana

Xaduud Malahn.

Waxaa Jira Aragti( Corporate Social Responsibility Csr) Ay Leeyihiin Reer

Galbeedka Taa Oo Lagu Dhumiyay Shacbu Calami Islaami Waxayna Ku Salaysan

Tahay ‘’Maxaa Faa’idaa.’’ Aragtida Dhaqaale Ee Reer Galbeedka Waxay Leedahay

Falsafad Sheegaysa Sidii Loo Heli Lahaa Kalsoonida Dadwaynaha Iyo Macaamiisha

Qabkii Loo Qancin Lahaa, Sidaa Darteed Waxbixinta Waa Istaratijiyo Kor Loogu

Qaadi Karo Qofka Wax Haysto Si Bulshada Loogu Dhaadhiciyo Qofkaas In Uu

Yahay Xalaal Miirad. Waayahan Dambe Waxaan Maqalnaa Dad Lagu Magacaabo

Deeq Bixiyaal(Donors) Sida Xaqiiqada Ah Ayaga Ayaa Bixiya Hadana Ayaga Ayaa

Cunna Balse Inagu Waa U Xalaalaynaa.

Muxuu Yahay Mas’uuliyada Bulsheed Ee

Saran Muslimiinta?

Bulshada Xilka Saran Mar Waa Waajib Marna Waa Mustaxab Iyadoo Laga Duulayo

Qiimaha Rabi Nafaray Taa Oo Ah Naxariista, Iskaashiga IYo Waxii La Halmaala

Waxaana U Daliil Ah

. Markale Alle Waxuu Leeyahay Hadii La Tageeri Waayo Bulshada Inteeda Liidato

Inay Macnaheedu Tahay Kuwa Aaqiro Beeniyay Astantooda Ama Calamadood.

Bulshada Iyadoo An Lakala Soocin Nolal Wanaaga Bulsheed Iyo Deeganka

Ilaalintii Iyo Hormarka Umadeedba Dadka Dhamaantii Ayay Wada Saran Tahay

Mas’uuliyadaas .Cibaadaadka Rabi Loogu Dhawaado Waxaa Kamid Ah Sonka,

Waa Maxay Iskaa-Wax-U￾Qabso?

Iskaa-Wax-U-Qabso Waa Ficil Wanaagsan Oo Ay Sameeyaan Koox Dad Ah

Ama Shaqsi. Iyaga Oo Ku Bixinaya Waqtigoodda, Xirfadoodda, Aqoontoodda,

Awooddoodda Si Bilaash Ahna Waxay Ugu Addeegayaan Bulshadoodda.Iskaa￾Wax-U-Qabso Waxa Ay Isku Xiraa Bulshadda Qaybaheeda Kala Duwan, Waxa

Ayna U Horseedaan In La Helo Isbaddelo Togan. Iskaa-Wax-U-Qabso Waxa Ay

Sidoo Kale Faafisaa Dhaqan Bulshada Jeclaysiiya Wada Shaqaynta Iyo Rajo

Abuurka.Kalmada Iskaa Wax U Qabso Waxa Ay Yeelan Kartaa Qeexitaanno

Badan Balse Markaan Waxa Aanu Ku Soo Koobi Doonaa Kalmad Micno Buuran

Wadata Oo Aad Badanaa Maqashid Balse Aanad Dabaqin.

Iskaa wax U Qabso Waa Naftaada Ka Qaad Oo Naftaada U Qaad.Lahaanshaha Marka 

Aad Adigu Dareentid In Aad Leedahay Dalkan, Waxa Ay Kuu Sameyneysaa 

Micno Kaduwan Micnaha Ay Kuu Sameyso Marka Aanad Dareemin Lahaashaha 

In Aad Adigu Leedahay Dalkan. Waana Ta Keeneysa Iney Rumoobaan Riyooyin 

Uu Dalkaagu Rajeeyo, Qof Kasta Oo Nool Oo Madaxa Timo Ku Leh Sida Uu 

Ugu Baahan Yahay Cunto Iyo Cabitaan, Ayuu Dalkanna Ugu Baahan Yahay 

Wada-Jir Iyo Wax-Qabad.Tayeynta Iyo Taaba-Galka, Hoga-Tuska Iyo

Tisqaadka Dalkan Curdinka Ah Oo Aynu Wada Leenahay, Qasab Maaha In 

Dawlad Iyo Dad Gaar Ah Lagu Haleeyo Mana Aha In Hebel Iyo Hayb Toona 

Lagu Haleeyo Haqabtirkiisa, Balse Waxa Qasaba Ah In Aynu U Qabano Wixii 

Aynu Qaban Kareyno Ee Ku Jira Muruqa Iyo Maskaxda Dadweynaha, Anagoo 

Aaminsan In Awooda Shacabku Ka Mudan Tahay Awooda Waxqabad Ee 

Dawlada. Awood Shacab Iyo Mid Dawladeed Oo Iskaashataa Ay Tahay 

Kacdoon Hor Leh.Dadka Dunida Ku Nool Ee Iskaa-Wax-U-Qabso Ugu 

Shaqeeya Shacabkoodda Waxaa Lagu Qiyaasaa In Ka Badan 970 Malyan, Sida 

Ay Daabacday Jaamacadda John Kopkins University

Post a Comment

0 Comments